Friday, December 8, 2023

Xildhibaan Maareeye oo Warqad xasaasi ah u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

-

- Advertisement -

TALO FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI

Xafiiska Xildhibaan Cabdi Xayir (Maareeye)

06 May 23

Talo furan oo ku socota Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Mudane Madaxweyne, sida aad ogtahay Somaliland (SL) halkii sano iyo badhkii u dambeeyey waxaa ka taagnaa muran siyaasadeed oo dhinaca doorashooyinka ah oo laysku hayey doorashada Asxaabta ayaa soo hormaraysa iyo doorashada Madaxweynaha ayaa soo hormaraysa. Sidoo kalena 3dii bilood ee u dambeeyey waxaa ku soo biiray colaada Laascaanood oo markii hore ku bilaabmantay cabasho dadweyne oo xaq ahayd, laakiin isla markiiba loo bedelay dagaal leh weji qabiil iyo mid qadiyado kale oo daba-dheeraan kara.

- Advertisement -

Waxaan aaminsanahay, Mudane Madaxweyne in aad fahamsantahay in hadal-jeedintaada labada gole ee maalinta Isniinta in ay ku soo beegantay xilli xaasaasi ah, oo la filayo in ay ka duwanaan doonto hadal-jeedimahaagii hore ee Somaliland degan oo aan dagaal ku jirin. Hadal-jeedintaada labada gole ka sokow, waxaa dhegaysanaya shacabka Somaliland ee iyagoo duruufo adag oo nololeed ku jira ay wareeriyeen muranka siyaasadeed, iyo daneeyayaal badan oo gaal iyo muslim-ba leh oo dabcan sida caadiga ah isugu jira kuwo jecel SL degan oo nabad ah iyo kuwo jecel SL dunta oo isdisha. doorkan qudbadaada waxba waqti ha iskaga lumin in aad cid u hanjamto ama ka hadasho arimaha geeska iyo kuwa Caalamka, hadal- jeedintaada waxaa laga fiirinayaa oo keliya si aad uga hadasho arimaha gudaha iyo doorashooyinka, isla marka aad dhameysona waxaad noqon doontaa (either) hogaamiye quus ah oo hogaan kala bax-ah, ama hogaamiye fahamsan duruufta siyaasadeed, mida amni iyo bulsho ee Somaliland ku jirto oo uga tanaasula dadkiisa wax badan oo uu jecel yahay.

Mudane Madaxweyne, hadii aad xasuusato SL oo ku jirta xaalad ka fiican tan maanta, ayaad diiday in aad aqbasho hab-dhaqankii soo jireenka ahaa ee SL ku dhisneyd ee wadatashiga iyo ismaqalka, waxaad talo ka diiday Madaxdii Xisbiyada ee talada doorashooyinku kaala dhexeysay, waxaad talo ka diiday oo kala dirtay Salaadiintii Dhaqanka iyo Culimadii SL ee isxilqaamay, waxaad talo ka diiday Gudoonka labada Aqal oo wada socda, waxaad talo ka diiday waxgaradkii iyo Ganacsatadii SL, waxaad diiday oo hoos u kala furfurtay Gudiga doorashada ee aad hada tiraahdo iyagaan ka sugaynaa in ay mudeeyaan waqtiga doorashooyinka oo hore u soo bandhigay in ay mudo 9 bilood gudahood ah ku qaban karaan doorashada Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii waxaad duufsatay Gudoomiye Suleymaan Maxamuud oo runtii ka hoos maray halkii ay ka soo bixi jireen maalinta ay adkaato ragii uga horeeyey xilka Gudoonka golaha Guurtida ama kula jiray oo aan ka xusi karo Sheikh Madar iyo Xaaji Cabdi-waraabe (allah ha u naxariistee) oo aad ku tidhi mudo xileedkaaga 5-sano ku darso, anna 2 sano iigu soo dar, laakiin waxaan u malaynayaa in aad hada garowsatay in taladaasi noqotay taladii Islaanta ee uu ku maahmaahay Maxamuud Xaashi oo aad wixii hada ka dambeeya dadka iyo dalka u tudhi doonto oo aad dhegaysan doonto dadka taladu kaala dhexeyso iyo waxgaradka kale ee SL.

Mudane Madaxweyne, aniga aragtidayda, iyadoo laga qiyaas qaadanayo qibradii laga dhaxlay iyo siday bulshada SL u kala qaybisay doorashadii ururada ee 2012-kii, iyadoo maanka lagu hayo duruufaha kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo colaada ee SL ku jirto, iyadoo la ogyahay in Xisbiyada/ururadu leeyihiin magacyo fiican dad badanina ku wada-jiraan laakiin ay yihiin Xisbiyo/ururo beelo leeyihiin, adigoo og in SL aanay qaadi karin muran/kala qaybsanaan siyaasadeed oo dambe iyo doorashada oo dib u sii dhacda, adigoo aan iloobin Mudane Madaxweyne in shacabka SL abaal kugu leeyihiin oo Madaxweyne kuu doorteen iyagoo og in aad tahay nin milateri ah oo yare qalafsan iyo in aad hada tahay Madaxweyne mudo xileedkiisii dhamaaday.

Aniga suuragal ilama maha in la soo hor-marin karo doorashada ururadda, hadii aad soo hormarisona wuxuu dalku geliyaa marxalad aan la qiyaasi karin meesha ay ku dhamaanayso, ugu dambeyntana ma jiri doonto maanta cid ama beel kaa yeelaysa ururkaagii wuu dhacay.

Sidaas awgeed waxaan kugula talinayaa in aad talada ku celiso Golayaasha aad la hadlayso, Madaxda Xisbiyada/ururada iyo waxgaradka SL oo aad fasaxdo in dalka loo geliyo doorasho Madaxweyne oo ku dhisan duruuf gaar ah oo ay u tartami karaan Madaxda 3-dii Xisbi ee hore u jiray iyo Madaxda ururada Siyaasadda ee cusub ninkii u diyaarsan.

W/Q: Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)
Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis cusub oo Milateri

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis ababa ku kala saxiixday heshiis cusub oo milateri, kaasoo lagu cusbooneysiiyay is-afgarad iskaashi milateri ah oo labada...

Xasan Sheekh oo Xil cusub u magacaabay Agaasimihii is-casilay ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii madaxtooyada Soomaliya ee is casilay, kana mid ahaa Musharixiinta xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed.Wareegto...

Siciid Deni oo ka noqday Doorashadii ‘Qof iyo Cod’, kuna dhawaaqay Mowqif Cusub

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka noqday Doorashadii 'Qof iyo Cod' ee uu in mudo ah ku adkeysanayey, taasoo xiisad siyaasadeed iyo qalalaase dagaal...

Qarax iyo Is-rasaaseyn Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Amniga iyo Alshabaab

Qaraxyo iyo Rasaas ayaa Maqribtii caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo Xubno ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada Amniga oo ku daba jiray uu dagaal...

Dood ka dhalatay Xisaab-xirkii Dowladda ee 2022 iyo Xildhibaanno isu jawaabay

Fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaala Soomaaliya ee maanta ayaa la horgeeyay Xisaab xirkii dowladda ee sanadkii 2022, kaasoo noqonaya kii ugu horeeyay tan...

Baarlamaanada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed & Jubaland oo diiday Shirkii Arrimaha Dastuurka

Baarlamanada Afar ka mida Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa diiday casuumad uga timid Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya.Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug,...

Faahfaahin laga helay Duqeyn ka dhacday Magaalada Jilib iyo Dad ku dhaawacmay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn xalay ka dhacday magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab iyo caasimadooda.Diyaarad...

XOGAHA QARSOON

Xasan Sheekh oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Mareykanka Ee AFRICOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iy Taliyaha ciidmaada...

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you