Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay ka sii dareyso kadib xiisadii ka dhalatay qabashada musharax Mukhtaar Roobow Cali.
Banaanbaxyo rabshado wata ayaa magaalada ka socda, waxaana halkaasi lagu dilay Xildhibaan ka tirsan maamulka K/Galbeed oo lagu magacaabo Cabdi Shakuur Yacquub Ibraahim, iyadoo dilkiisa lagu eedeeyay ciidamada booliska ee Baydhaba.
Wararka ayaa sheegay in Xildhibaanka ay toogasho ku dileen ciidamo ku sugan magaalada iagoo ahaa guddoomiyaha Gudiga Amniga ee baarlamaanka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, waxayna wararka qaar sheegayaan inay qaraabo ahaayeen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.
Waxa falkan lagu edeeyay inuu geystay askari ka tirsan Booliska magaalada Baydhabo, waaa weli socda banaanbaxyo Rabshado wata oo hareeyay magaalada iyadoo dadka bannaanbaxa qaarkood ay hubeysan yihiin, waxaana magaalada ay gashay maalintii labaad xaalad cakiran oo ka dhalatay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku xirtay Mukhtaar Roobow oo loo adeegsaday ciidamada Itoobiya.




