Doorasho ka dhacday xilli Saq Dhexe ah kadib magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaankii ugu danbeeyay ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.
Doorashada kursiga HOP135 oo ay hore ugu fadhisay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah:
1. Amran Xusen Isaaq
Ad
2. Maxamed Aadan Daahir
3. Maxamed Nuur Xuseen.
Waxaa ku guuleystay Maxamed Aadan Daahir, sida uu shaaciyey Gudiga Doorshada Hirshabeelle, Waana kursigii ugu danbeeyay ee Hirshabeelle ku harsanaa.
Warar Xul ah