Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Jowhar.
Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Aadan Macalin Cali ayaa u geeriyooday kadib markii uu si lama filaan ah wadanaha u istaagay, isagoo degdeg u geeriyooday. Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, isagoo soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca Maaliyadda e Gobolka Hiiraan.
Aaska xildhibaamka ayaa saaka ka dhacay Magaalada Jowhar, iyadoo ay ka qeybgaleen aaskiisa kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen, Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.
Goobjooge