Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa kashifay sida Beeshoooda ku heshay xilla guddoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid ayaa ka sheegay xaflad loo sameeyay Guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi in dadaal dheer iyo shirar ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka ay keentay inay helaan xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi.
“Sagaal saac oo habeenimo ayaan madaxwaynaha iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir la kulanay anagoo labaatameeyo xildhibaan ah si aan ugu qancino in Digir iyo Miriflo loo magacaabo xilkan” ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay in beesha uu kasoo jeedo ku badan ahay Gobolka Banaadir.
Xafladda oo ay ka qeyb galeen wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Saalax Shariif Cali, xildhibaanno, wasiiro hore, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qeybaha Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi Maxamed Siyad Cali, Waxaa si weyn loogu dabaal degay xilka ay beeshan ka heshay Gobolka Banaadir oo ah markii ugu horeysay ee loo magacaabo.
