Monday, February 10, 2025

Xildhibaan kale oo ku dhawaaqay inuu ka baxay Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ee UPD

Xildhibaan Cali Cabdi Cismaan ayaa shaaciyey inuu ka baxay Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxmauud.

Xildhibaan Cali Cabdi Cismaan oo dhowaan laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacbaka, isagoo qeyb ka ahaa kooxdii soo saartay warbixintii muranka dhalisay ayaa  qoraal uu soo diray ku sheegay inuu hakiyay Xubinimadii Xisbiga UPD, isagoo aan sheegin wax sabab ah.

Hore waxa xisbiga uga baxay xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ay saaxiibo dhow yihiin xildhibaanka maanta shaaciyey inuu ka baxay xisbiga. waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa” “Waxaan ka mid ahaa xubin ka tirsan Xisbiga MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA (UPD) Waxaan rabaa halkaan in aan idin kala wadaago laga bilaabo 26ta Janaayo 2019 waxaan cadeeynayaa in aan iska hakiyey xubin nimadii Xisbiga UPD?.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON