Xildhibaan hore ayaa maanta lagu dilay, magaalada Muqdisho, kadib markii Dabley hubeysan ay weerar ku qaaday xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla degmada Wadajir.
Xildhibaan hore Ibraahim Salaax Deyfullah ayaa la sheegay in kooxda hubeysay ay rasaas ku fureen markii uu kasoo baxay Masjidka, waxaana gaaray dhaawac culus oo uu isla markiiba u geeriyooday.
Xildhibaan Deyfullaah ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaankii 9-aad ee dowladda Federaalka, wuxuuna caan ku ahaa Diinta, isagoo ahaa mnin Cibaado badan iyo Sheekh.
Xildhibaanno, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan ayaa tacsi u diray Qoyska iyo Ehelada uu ka geeriyooday marxuum Ibraahim Salaax Deyfullah.
Mas’uuliyadda Dilka khaarijinta ha ee xildhibaanka hore waxaa sheegatay Alshabaab oo ku eedeysan inuu ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee dowlada Federaalka.