Xildhibaan C/fataax Nuur Mattaan oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray degmada Beled-xaawo.
Weerarkan ayaa caawa ka dhacay bartamaha degmada Beledxaawo guri uu ka deganaa magaalada, waxaana lagu soo weeraray Bambooyin iyo rasaas kala duwan oo lagu asqeeyay guriga.
Ilaalada xildhibaanka ayaa difaacay, waxaana la sheegay in dhaawac ay ka soo gaareen bambooyinka saddex qofood oo guriga ku sugnaa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Beled Xaawo Bile Huufood aya sheegay in xaaladda ay degan tahay hadda oo ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo.
Xildhibaanka C/fataax Nuur Mattaan ayaa la sheegay inuu halkaasi u tegay arrimo tacsi ah, kadibna uu ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com