Xildhibaan ka tirsan xisbiga muxaafidka Dalka Ingiriiska Sir David Amess ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray weerar Toorey loo adeegsaday oo lagu qaaday magaalada Essex.
Xilhdibaankan oo laga soo doorto Essex ayaa waxaa weerar ku qaaday Nin ku hubeysan Mindi (Toorey), xilli uu ku sugnaa Kaniisada Belfairs Methodist Church ee ku taalla degaanka Leigh-on-Sea, kaasoo dhowr jeer ku dhuftay qeybta sare ee jirkiisa, waxaana uu u geeriyooday dhaawacaasi.
Ninka weerarka geystay ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu yahay 25 sano jir, kasoo jeeda Soomaaliya, waxayna Boolisku sheegeen ay qabeen ninka falka geystay iyo ayna heleen Mindidii uu falka ku fuliyey, iyadoo baaritaanku bilowday.
Ninka Soomaaliga ah ee la sheegay inuu falka dilka ah geystay, loona qabtay ayaan weli la shaacin magaciisa iyo faahfaahinta xaaladiisa, waxaana kiiska la wareegay Booliska Argagixiso la-dirirka Ingiriiska.
Dilka xildhibaanka waxaa cambaareeyay Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, waxayna Xoghayaha arrimaha gudaha dalkaasi Priti Patel ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska inay dib u eegaan amniga ee xildhibaannada Uk.
“Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983, wuxuuna ka tegay xaas iyo shan carruur ah oo uu dhacay. Waa xildhibaankii labaad ee isagoo xilka haya oo la dilo, shantii sano ee la soo dhaafay gudaha UK, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha oo sanadkii 2016 toogasho lagu dilay, iyadoo ay ka danbeeyeen koox arggaixiso ah ee dhinaca Midigta.
