Kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo maanta iyadoo Kooram u buuxsamin Doodihiisa iska sii waday ayaa maanta laga akhriyay magacyada xildhibaannada fasax la’aanta uga maqan fadhiyada Baarlamaamka.
Magacyada waxaa akhriyay Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, waxaana ka dhex muuqday xildhibaanno wasiiro ah iyo qaar ka mida mucaaradka, iyadoo digniin loo jeediyay xildhibaannadaasi.
Magacyada Xildhibaannada fasax la’aanta maqan ee maanta la yeeriyay waxaa ka mida:
Ilyaas sheekh Axmed
Foswsiyo Maxamed Sheekh
C/llahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
Cali Saciid Faqi
Axmed Cabdi Kooshin
Ayuub ismaaciil
Maxamed Cabdi Maareeye
Biixi Imaan Cige
Maxamed Cali Xagaa
Fowsiyo Yuuuf Xaaji
C/shakuur Cali Mire
C/llaahi Xaashi Abiib iyo xildhibaanno kale oo badan.
Waxaan goobta laga yeerin magacyada siyaasiyiinta caan ka ah ee ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuwaas oo fasaxyo aan dhammaad lahayn guddoonku siiyo.
Dhinaca kale waxaa si gaara goobta looga xusay Xildhibaan Dr. C/llaahi Xaashi Abiib oo hab-dhowraha Baarlamaanka uu sheegay inuu 3 jeer oo kaliya kasoo xaadiray labadii kalfadhi ee ugu danbeeyay, balse uu yahay nin dhaliishiisa ay aad u badan tahay.
Ugu dambeyn Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa caddeeyay in xildhibaan C/llaahi Xaashi Abiib uu shir caalami ah ka sheegay inuu Muqdisho u tegi waayey habjabaad loo jeediyay, isla markaana ay rabaan inuu soo noqdo oo Golaha la wadaago arrinta uu caalamka iyo dibadda ka sheego.