Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey weerar ay ku qaadeen taageerayaasha Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo baraha bulshada si weyn ugu faaqiday Muuqaal laga duubat sanadkii hore xilli uu mucaarad ku ahaa dowladii Xasan Sheekh.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh iyo nin lagu magacaabo Cali Yare oo ka mida saaxiibada Farmaajo ayaa baraha bulshada ku faafiyey qoraallo ay ku weerarreen xildhibaan Fiqi, tasoo keentay inuu xildhibaanka si kulul ugu jawaabo.
Jawaabtii ugu kululeyd wuxuu xildhibaan Fiqi siiyey Wasiirka Dasturka C/raxmaan Xoosh, wuxuuna jawaabtiisa ku yiri:
Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri!
Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahay ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah.
Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska Qaramada Midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii..
Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.
Jawaabtii labaad ee wuxuu xildhibaan Fiqi siiyey Cali Yare Cali oo ah taageere aan xil ka ahayn dowladda Farmaajo, balse ka mida shaqaalaha u ololeeya, wuxuuna u sheegay in musuqa hadda jira aanu ka aamuseynin, kuwii horena laga yimid.
“Maanta ayey ka xun tahay ‘Cali Yare Cali’Â ee midkaas waa laga yimide, midka maanta jira ee dawladnimada iyo hay’adihii dawladda lagu burburinayo ayaa ka hadal nooga baahan, inaad wax la soo dhaafey umadda ku mashquuliso oo waxa jira aad nooga leexiso ma dhaceyso..” ayuu yiri xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Kadib markii uu Muqdisho ku soo laabtay madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa waxaa baraha bulshada ka bilowday weerar ay isku hayaan taageerayaasha labada madaxweyne ee kala danbeeyay.