Saturday, May 17, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Baaqa Dowlad Goboleedyada wuxuu muujinayaa in madaxda Dowladda ku fashilmeen hoggaaminta dalka”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ku kacsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Go’aannada iyo Baaqa ka soo baxay shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada uu caddeyn u yahay in madaxda dowladda ay ku fashilmeen hoggaanka dalka iyo isku heyntiisa.

Qoraal uu soo saaray xildhibaanka oo ay lagu lifaaqay War-murtiyeedkii Shirka Kismaayo ayuu ku sheegay in Baaqa dawlad goboleedyada dalku muujinayo in hogaaminta dalka iyo isku heyntiisa ay ku fashilmeen madaxda Dawladda federaalka ah.

“Arrimihii amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, federaalaynta, arrimaha doorashooyinka, faragalinta dawlad goboleedyada, xasrad abuurid joogto ah, awood marooqsi iyo fulin la’aanta heshiisyadii horey loo galay ayaa ka mid ah qodobada lagu eedeeyey in ay ku fashilmeen madaxda dawladda dhexe, welibana aysan diyaar u ahayn sixidda fashilkaas…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo baaq u jeediyey xildhibannada iyo siyaasiyiinta dalka.

“Baarlamaanka labadiisa aqal, xisbiyada siyaasadda iyo waxgaradka Soomaaliyeed waxaa u yaalla in aysan indhaha ka fiirsan xaaladaan marka marba ka danbeysa hoos u sii socota, lana badbaadiyo dalka..” ayaa ka mid aha qoraalka xildhibaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON