Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si adag uga hor yimid dhameystirka Dastuurka dalka oo doodiisa ka socoto labada aqal ee Baarlamanka Somaliya.
Farmaajo oo muuqaal uu soo duubay soo dhigay baraha bulshada ayaa saheegay hadii laga laaban waayo wax ka bedelka dastuurka oo xaaladda la qaban waayo, uu qof walba ku laaban doono tuuladiisa, dowladnimadoona ay hallkaas ku burburi doonto.
“Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa ku dooday in Dastuurka laga doodayo uu yahaya mid la bedelay, isla markaana aan lagala tashan dowlad Goboleeyada sida uu yiri, wuxuuna si gaara uga hadlay qodoba 4aad ee qaab dhismeedka dowladda Federaalka.