iyadoo ay weli socdaan abaabulka beelaha iyo ciidamada loo diyaarinayo dagaalka Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ku biiray xildhibaan kale oo hoggaaminaya ciidamada beeshiisa.
Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaalle) oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa gaaray Gobolka Sh/Dhexe, isagoo hoggaaminaya ciidamo milatei iyo kuwa degaaka isugu jira, wuxuuna si toos ah ugu biiray howlgallada ka bilowday Gobolka Sh/Dhexe.
Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa sheegay iyadoo la fulinayo baaqii madaxda dowladda ee dagaal lagu qaado, ay gareen Gobolka Sh/Dhexe, ayna qeyb ka qaadan doonaan dagaalka dalka looga saarayo argagixisada Alshabaab.
Ciidamadan ayaa ka mida kuwii uu danbeeyay ee laga abaabulo magaalada Muqdisho, kuna biira dagaalka Alshabaab oo abaabulkii ugu danbeeyay iyo howlgallada ka socda Gobolka Sh/Dhexe ee maamulka Hirshabeelle.