Xildhibaan C/qaadir Carrabow Ibraanhim ayaa sheegay inaysan aqbali doonin doorasho ka dhacda Muqdisho, iyadoo aan meel la saarin xuquuqda dadak Gobolka Banaadir.
“Ma aqbaleyno doorasho ka dhacda Muqdisho iyadoo aan la helin xuquuqdda dadka Gobolka Banaadir..” ayuu yiri Xildhibaan Carrabow oo soo jiitay buuq ay ku fureen xildhibaannada xilli ay socotay dooda xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Caraboow ayaa soo jeediyey in la furo tirada Aqalka Sare oo Gobolka Banadir laga siiyo 14 xubnood, isla markaan aan loo kala tegin fadhiga maanta.
Dood kulul ayaa ka socota Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan metelaadda Gobolka Banaadir, iyadoo guddi soo diyaariyey xeerka laga doonayo uu soo jeediyey inay 7 xubnood Aqalka Sare laga siiyo Gobolka Banaadir.
