Sunday, April 27, 2025

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka badbaaday Miino loo dhigay Hoyga uu degan yahay, kuna eedeeyay..

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu arkay Miino ku jirta Dhabarka dambe ee Guriga uu degan yahay ildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo hadda ag musharax ka tirsan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Ilaalada xildhibaan Xiddig ayaa ka war helay Miinada, kadibna, waxaana kadib goobta tegay oo ka qaaday askarta maamulka Jubbaland, waxaana miinada loogu talogalay in lagu qarxiyo Mussharax C/rashiid Xiddig oo olole ugu jira doorashada xilka Madaxweynaha Jubbaland.

War uu soo diray xildhibaan Xiddig ayuu ku sheegay inuu fashilmay fal wuxuushnimo ah oo ay maleegeen shakhsiyaad Xukun madax maray, sida uu yiri, wuxuuna caddeeyay inay muuqatay in Qaraxa aan laga keenin lagana soo Abaabulin meel ka baxsan Gudaha Kismaayo,

Ad

“Cadeynta ugu xoogan ee tilmaameysa raadka halka Qaraxu ka soo jeedo ayaa muujineysa sida dhibka yar ee ay u xanbaarteen Qaraxii oo aan lala socodsiinin heyadihii Amniga ee Jubaland iyo Ciidamada u tababaran Kala furida Qaraxyada. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu Qaatay oo Gaadhigiisa saartay mid kamida Saraakiisha ilaalada Madaxtooyada Jubaland” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xiddig.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON