Xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane (Jiis) ayaa farriimo uu soo dhigay baraha bulshada si weyn ugu dhaliilay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan inuusan wadahadal la galeynin Alshabaab, balse awood ku wajihi doono.
Qoraalka Xildhibaan Kulane ayaa jawaabo culus iyo eedeyn soo jiitay, waxaana dadka sida weyn u karbaashay ka mida siyaasiyiin caan ah iyo dadweyne fara badan oo C/llaahi Kulane ku eedeeyay inuu u hadlayo Alshabaab iyo inay u habooneyn inuu iska aamuso marka la eego wixii ay dalka ka sameeyeen nidaamkii Farmaajo ee uu ka mid ahaa.
“Alshabab wadahadal lama geleyno waa istaraatijiyad wayn. Lamana soo bandhigin qorshe qaran oo looga adkaan karo Alshabaab. Siyaasad noocee ah ayuu fulinayaa madaxwaynuhu? Mise sidaan ayaa la isaga jirayaa?” ayuu qoraalkiisa dhaliisha ah ku yiri Xildhibaan Kulane oo daba dhigay khudbad uu Xasan Sheekh ka jeediyey Mac-hadka SETA ee magaalada Ankara.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa farriin culus ugu jawaabay Kulane Jiis, isagoo qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan marar badan tuhmaayay in NISA aysan daneyneyn la dagaalanka Al Shabaab, ama ay ka sii daran tahay in ay xiriir la leedahay. Eedeynta C/llaahi Kullane ee mowqifka Madaxweynaha waxay xaqiijinaysaa arrintan. Ma u maleyneysaa inaad ku dhuuman karto Baarlamaanka oo aanay cidina kaa daba iman?”.
Aadan Aw-xersi oo ka mida siyaasiyiinta Gobolka Gedo, wasiirna kasoo noqday maamulka Jubbaland ayaa isna jawaab uu u diray Xildhibaan Kulane ku yiri: “Sida aan ku arkay madashan(Twitter-ka) bil ka hor, dadkii ay ahayd inay u ordaan raadinta gabbaad ay ku nabadgalaan ayaa hadda u socda dhinacyo fool-xun”.
Xildhibaan hore Cali Nuur Boodaaye ayaa jawaabtiisa kusoo koobay: “Ma joogtid meel aad ku dhaleecayso qorshaha Madaxweynaha. Waxaad ka mid ahayd dadkii burburiyey laamaha amniga. Dowladdani waxay ku mashquulsan tahay sidii ay u hagaajin lahayd fashilkiina”.
Xildhibaan Mursal Khaliif ayaa jawaab culus u diray C/llaahi Kulane, wuxuuna farriintiisa ku yiri: “Waxa jira wax badan oo aad ku dhaliili karto taliskaadii hore, sida khaladaadkii waaweynaa ee dhinaca Amniga iyo wadajirka ah, musuqmaasuqa iyo ku jebinta dastuurka. Waa la yaab inaad si bareer ah u isticmaalayso dhaliishan si aad uga fogaato in lagula xisaabtamo hab-dhaqankaaga su’aasha ku godan tahay”
Kumanaan dadweyne badan iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta dowladda ayaa ka fal celiyey qoraalka Xildhibaan C/llaahi Kulane oo ka mid ahaa madaxda Hay’adii NISA dowladii Farmaajo oo loo tirinayo tacadiyo badan oo magaca dowladda lagu geystay.
Kulane Jiis ayaa muddo 5 sano sida Fahad Yaasiin goob fagaare ah lagu arkin, isla markaana is qarin jiray, laakiin xilligan oo uu Baarlamaanka Federaalka ka mid yahay wuxuu hoggaaminayaa xubnaha taageerayasha Farmaajo ee baraha bulshada CBB oo, iyadoo dhaliil ku bilaabay madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh, waxayna hadda is hayaan taageerayaashiisa.
