Sunday, April 27, 2025

Xil. C/raxmaan C/shakur oo talo ku saabsan Itoobiya jeediyay MD. Xasan Sheekh

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa talo iyo tusaale ku saabsan xaaladda khilaafka Itoobiya soo jeediyay, isagoo si gaara farriintiisa ka muuqato inay ugu socoto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu faafiyay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayuu si toos ah ugu sheegay in laga fiirsado xilliga, qaabka iyo goobta laga jeedinayo go’aanada laga qaadanayo arrinta Itoobiya, iyadoo qofkii ugu danbayn lahaa aanu noqon kan ugu horreeya.

“In dalka la difaaco waa masuuliyad wadareed iyo waajib qaran, laakiin qaabka lagu difaacayo waa in uu siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe leeyahay. Tilaabooyinka la qaadayo waa in ay kala horreeyaan, mid kastana natiijadiisa laga gungaaro. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga jeedinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hadalka iyo go’aanka uusan noqon kan ugu horreeya”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo hadalkiisu si toos ugu socday madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Wuxuu soo jeediyay in laga waantoobo falcelinta qar iska tuurka ah oo taariikhdu waaniso Soomaalida, ayna iska dhisnaa halkii ay ka taag daran yihiin.

“Ilaa iyo haatana ma muuqato isbedel aragti, istiraatiijiyad iyo habdhaqan hoggaan oo la jaanqaadi kara marxaladda cusub. Hawshu waa in ay midnimo iyo muunad qaran yeelataa, xukuumaduna noqotaa mid difaac qaran, halgankana laga dhigo mid hiigsanaya himilo qaran”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON