Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegyaa in Booliska magaalada Hargeysa ay xabsiga dhigeen maamulayaasha Warshadaha Rootiga sameeya.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii baraha bulshada laga daawaday muuqaallo ay Rootileyaasha magaalada Hargeysa (Somaliland Bakery Association) isku dhaarsanayaan inay qiimaha Rootiga kordhiyaan, taasoo ay ka dhabeeyeen.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah masuuliyiinta warshadaha Rootiga soo saara oo lagu eedeeyay inay falkaasi u sameeyeen si ka baxsan ganacsiga, kadibna muuqaal iska duubeen iyagoo isku dhaarsanaya en in la kordhiyo qiimaha Rootiga.
Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga fal celiyey arrintan iyo sicirka lagu kordhiyey Rootiga, waxayna qaarkood baraha bulshada ka bilaabeen olole lagu joojinayo iibsiga Rootiga.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hor yimid qiime kicinta Rootiga, iyagoo ku baaqay in Toddoba Maalmood kaliya dadku cunaan Laxoox, si loo ganaaxo Ganacsatada Rootiga iibiya.
Xildhibaan Jaamac Batuun oo laga soo doorto Hargeysa ayaa ku baaqay in Wasiirka Ganacsiga ha loo yeero, xilkana ha laga xayuubiyo: “Saaka nimankaasi in ay Jeel ku jiraan ahey aheyd dembi qaran ayey shacabka ka galeen.” ayuuna yiri.
Xiisada ka dhalatay Qiime kororka Rootiga Somaliland ayaa si weyn u saameysay shacabka iyo siyaasiyiinta, waxayna doodda arrintan ka socotaa baraha bulshada.
