Xaalad siyasadeed oo kacsan ayaa ka taagan dalka Suudaan, kadib markii uu soo shaac baxay kulan qarsoodi ah oo dalka Uganda ku dhex maray Guddoomiyaha Golaha Sare ee xukuma dalka Suudaan Gen. C/fataax Burhan iyo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu.
Kulankan oo la sheegay inaysan ogeyn madaxda xukuumadda Suudaan ayey shaacisay Jariirada NewYork Times inay qabanqaabadiisa ka danbeysay dowladda Imaaraadka Carabta, ayna la ogaayeen dalalka Sacuudiga iyo Masar, kaasoo ujeedkiisu ahaa in Israa’iil ay gacan ka siiso Suudaan sidii looga saari laha liiska dalalka taageerada argagxisiada ee Mareykanka.
Golaha Sare ee Suudaan ayaa shir ku yeeshay magaalada Khartoum, mana jiro wax war ah oo laga soo saaray, waxaana arrintan iska fogeeyay xukuumadda Suudaan oo kulan degdeg ah arrintaas ka leh xilligan.
Kulanka ayaa kusoo beegmay waqti aad u adag oo Trump iyo Netanyahu ay shaaciyeen Qorshaha Bariga Dhexe. Maamulka Falasiin iyo Jaamacadda Carabta ayaa ka hor yimid qorshahaasi, waxaana weli wax faahfaahin ah laga bixin kulanka Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda iyo guddoomiyaha golaha sare ee Suudaan Jen. C/fataax Burhaan ku dhex maray Enteppe.