Thursday, April 24, 2025

Xeer ilaalinta oo dalbatay in lasoo xiro 3 Ganacsade uu ku eedeysan Dhoofin Dhuxul (Akhriso)

Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ka dalbatay inay bixiso amarka soo qabashadda Saddex Ganacsade oo loo heysto inay dalka ka dhoofiyaan Dhuxusha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliye ku-xigeenka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan  Cabdullaahi Maxamed loona diray Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu dalbaday amarka xariga saddexda edeysane la soo saaro, kuwaas oo kala ah:

1. Yuusuf Jaamac oo degan Muqdisho, waxaa loo heystaa dhoofinta 100,000 loor oo Dhuxul ah.

Ad

2. Axmed Xaaji Cali, degan Mugdisho lagu eedeeyay dhoofinta  20,000 Loor oo Dhuxul ah.

3. Iyo Liibaan Xuseen Kaarshe oo degan oo lagu eedeeyay inuu dhoofiyay 20,000 Loor oo Dhuxul ah.

Xeer ilaalintu ma sheegin goobta ay dadkan dhuxusha ka dhoofiyeen iyo cidda u sahashay midna, balse waxay xustay in in Dhoofinta dhuxusha ay tahay fal danbiyeed lagu ciqaabi mudanayo xeeka ciqaabta Soomaaliyeed, iyo Qod: 51-56-57, ee xeerka ilaalinta Degaanka iyo Duur-joogta Soomaaliyeed oo  lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Anaamka Qaramada
Midoobay S/RES/2036/2012, ee ku saabsan mamnuucida dhoofinta iyo soo dajinta
dhuxusha Soomaaliya.

Somali charcoal
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON