Monday, December 9, 2024

Xeer ilaalinta oo Baaris ku bilowday Akoono lagu furtay Magaca ururka Saxafiyiinta SJS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa shegeya inuu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey maanta warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta oo ku sabasn Koontooyin ganacsi oo uu sheegay in lagu furay magaca ururka saxafiyiinta ee Somali Journalists Syndicate SJS).

Warka Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in magaca ururkaasi loo adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), loona adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah.” atyaa ka mid ahaa qoraalka Xeer ilaalinta.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in ururka SJS loo haysto, “Fal-danbiyeedyada ku xusan Qodobada: 372, 378, 452/3 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Qodobada 8aad, f- laad, Qod. 16aad f- laad, Qod. 26aad ee Sharciga Saxaafadda Xeer Lr. 26, ee soo baxay 30/07/2020.”

Ad

Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud kadib soo saartay amar Fatashaad iyo Xayiraad lagu sameeyay Akoonada SJS.

Xafiiska ayaa Qoraalka kasoo baxay kusoo gabagabeeyay marka uu baarista dhamaystiro inuu eed waafaqsan qodob- ka 71aad ee XHCS u gudbinayo Maxkamadda gobolka Banaadir.

Ururka SJS ayaa ka mida ururrada saxaafadda ee ka howlgala Muqdisho, waxaana xoghaye ka ah Cabdalla Muumin Axmed oo hore ay u xirtay dowladda Soomaaliya, kaasoo hadda si weyn mucaarad ugu noqday madaxda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON