War kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in muddo laba toddobaad ah loo dabaal tago xeeba Liido ee magaalada Muqdisho.
Amarro kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga ka hortagga Coronavirus ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in isu imaatinka Xeebta Liido, waxaana sidoo kale la amray in la xiro goobaha lagu Caweeyo iyo Baararka Shiishada lagu cabo.
Waxaa kaloo loogu baqay hoteelada in la hakiyo kulamada bulshada iyo shirarka waaweyn si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Xeebta Liido ayaa xirnaan doonta laga bilaabo 6:00-da subaxnimo ilaa 10:00-ka Fiidnimo.
