Wednesday, September 18, 2024

Xasan Sheekh oo Xilkii Ergey ka qaaday Waare iyo Xildhibaan loo magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa la sheegay inuu u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan degaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda.

Xilkan waxaa hore u hayay madaxweynihii hore ee Hirshabelele Maxamed Cabdi Waare oo hadda laga qaaday, waxayna wararku sheegayaan in loo wado xil uu ka qabto ururka IGAD.

Ad

w, waxa uuna Madaxweynuhu kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON