Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xil nooc cusub ah u magacaabay mid ka mid Musharixiintii xilka Madaxweynaha ee ka mid ahaa Midowgii Musharixiinta ee Mucaaradka.
Shirkiisii ugu horeeyay ee Shirkii jaraa’id intii uu xilka kala wareegay Farmaajo 23-kii Bishan 2022 ayuu Xasan Sheekh oo uu garab taagnaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay magacaabay xariiriyaha arimaha bani’aadanimada.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo caalami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Ergeyga gaarka ah wuxuu kale oo uu hormuud u noqon doonaa, isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in xilkan loo magacaabay, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadaninimada iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Ergeyga inuu u Ilaahay u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda uu u igmaday. Waxayna magacaabistan ay dhaqan gashayaa isla maanta oo taariikhdu tahay 24 May, 2022.
Xilkan ayaa la sheegay inuu yahay mid KMG ah oo ku saaabsan xaaladda la tacaalidada abaaraha, lamana oga halka uu sharci ahaan hoostegayo mas’uulka cusub, iyadoo aan weli la magacaabin Ra’iisal wasaare iyo soo dhisi lahaa xukuumad cusub.