Sunday, April 14, 2024

Xasan Sheekh oo Xil cusub u magacaabay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda K/Galbeed.

Xilka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayuu Madaxweynaha u magcaaabay Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley, sida lagu shaaciyey wareegto Caawa kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ergayga gaarka ah ee cusub kula dardraamay iin uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Ad

Xasan Sheekh ayaa hore u magacaabay xilal fara badan oo isugu jira ergo iyo la-taliyeyaal, wuxuuna ergeygii ugu horeeyay ee isagoo xildhibaan ah xil loo magacabay ahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON