Sunday, April 27, 2025

Xasan Sheekh oo War u Gaara kasoo saaray Shirka Wadatashiga Doorashada ee Muqdisho

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War-saxaafadeed uu goor dhoweyd soo saaray ugu baaqay saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya uinay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda halista ah ee ay ku jirto dowladnimada Soomaaliya iyo dhammaan horumarkii la gaaray 8-dii sano ee lasoo dhaafay, taasoo ay keentay sharciyadda ka dhammaatay hay’adihii dastuuriga ahaa iyo kala qeybsanaanta Golayaasha Baarlamaanka, Ciidamada iyo khatarta ay ku jirto midnimada dalka.

Musharax, ahna xildhibaan Xasan Sheekh wuxuu sheegay in shirka ka furmay Muqdisho ay lagama maarmaan tahay in lagu gaaro go’aamo suuragelinaya in muddo kooban dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON