Friday, March 28, 2025

Xasan Sheekh oo War Raali gelin ah u qoray Imaaraadka Carabta [Akhriso Qoraalka]

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal raali gelin u muuqda oo aan wax munaasbad ah lahayn kaasoo lagu amaanayo dowladda Imaaraadka Carabta.

hassan_uae2Xasan Sheekh oo xilka ka dhammaadaya ayaa dhowaan ka hadlay heshiis shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay la gashay maamulka Somaliland kuna saabsanaa maamulka dekadda Berbera oo sharci darro ku tilmaamay ayaa maalmo yar kadib waxaa xigay inuu ka soo baxay warkan.

Qoraalka ay baahisay madaxtooyada ayaa lagu bogaadin sida aadka ahna loogu amaanayo Imaaraadka Carabta oo luqado dhowr ah lagu qoray laguna faafiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Ad

HOOS KA AKHRISO


SOMALI

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  ayaa sheegay in Dwaladda Imaaraadka Carabta ay kaalin mug leh ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya.

Bayaan laga soo saaray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dalka isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay dal saaxib dhaw la ah Soomaaliya mar kastana u taagan gacansiinta shacabka Soomaaliya horayna uga qeyb qaadatay taageeradooda ee arrimaha bni’adnimada la xiriirta

Madaxweyne Xasan wuxuu cdeeyay in Dawladda iyo Shacabka Soomaaliya ay  aad u qadarinayaan kaalmada aan shuruudda ku xirneyn oo ay Xukuumdda Imaaraadka u fidiso Soomaalia siiba dhinacyada Arrimaha Bulshada ,wuxuuna xusay in labada dal ay wadaagaan arrimo badan uunaka dhaxeeyo iskaashi dhinacyo badan leh siiba Ganacsiga iyo xiriir Taariikhi ah ah ee soo jireen ah.

Madaxwynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  oo ah musharax u taagan mar labad hanashada xilka Madaxweyninimo ayaa ballanqaaday hadii uu mar kale madaxtinimada dalka Soomaaliya  ku soo laabto uu sii xoojin doono CilaaqaadkaSoomaaliya iyo Imaaradka ee dhinacyad badan leh uuna gaarsiin doono  meesha ugu sareysa.

ENGLISH

The President of the Federal Republic of Somalia, HE Hassan Sheikh Mohamud has praised the role of the United Arab Emirates for its contribution of rebuilding Somalia.

The President hinted that UAE is a strong ally that Somalia needs today and in the future.

“Somalia and its people are enormously appreciative of UAE’s support to Somalia in terms of security, humanitarian and development work. We look forward to working together in pursuit of our mutual interests. UAE is a valued business partner and we welcome their interest in the investment opportunities available in Somalia. We are grateful of our brother’s continued efforts to build the capacity of our civil servants, developing our infrastructure and combating piracy.

President Hassan Sheikh Mohamud, who is running for his second term for the office has also made a pledge to work on enhancing the relationship between the two countries.

“I will work on strengthening the relationship with UAE to be our permanent strategic ally, and if I get re-elected I will ensure that the relationship between the two countries flourish to the maximum. Somalia regards the ties between the two countries as the most important and outstanding part of Somalia’s friendly relationship with foreign countries’’.

The Federal Republic of Somalia and UAE enjoy close cooperation in politics, economy, culture and other fields with a high-level coordination in regional and international issues of common concern.

President Hassan Sheikh Mohamud concluded by saying that the peoples of both countries are determined to constantly improve the level of bilateral cooperation, and further realize both peoples’ expectations of stability and development.

———————————–ENDS—————————-

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON