Thursday, February 13, 2025

Xasan Sheekh oo ugu danbeyn magacaabaya Maamulka cusub ee G/Banaadir iyo xubnaha…

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo magacaabista guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo muddo dheer laga sugayey tan iyo intii uu xilka qabtay May 2022.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday ololihii loogu jiray xilka ugu sareeya caasimadda Muqdisho ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay magacaabista xilkan saameyn ku leeyihiin beelaha uu kasoo jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo lagu wado inay soo baxdo saacadaha soo socda ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in loo magacaabi doono mas’uul hore u soo maray xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ad

Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shekeh iyo xubnaha sare e Xisbigiisa ay isla qaateen in xilka Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha G/Banaadir mar kale loo magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo xisbiga ka mida, horena xilkan usoo qabtay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta badan xilalka muhiimka ah u magacaabay xubno ka mida xisbigiisa iyo saaxiibada ugu dhow, inkastoo uu hore u sheegay inaysan xilalka dowladda u xirneyn koox gaara.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON