Monday, April 15, 2024

Ciidamada Kumaandooska oo loo diray Cadalle iyo Xasan Sheekh oo kusii jeeda Aagga Dagaalka..

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidam hor leh geysay degaamo ka mida Gobolka Sh/Dhexe oo abaabul dagaal uu ka socday maalmihii ugu danbeeyay.

Wararka laga helayo Gobolka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Kumaandooska ee Danab iyo Gorgor iyo Gaadiidkooda dagaalka ayaa xalay xilli danbe gaaray degmada Cadalle ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada cusub ee Danab iyo Gorgor ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin howlgalka dagaal ee la filayo inuu ka bilowdo Gobolka Sh/Dhexe, kaasoo saldhigiisu yahay xarunta Degmada Cadalle, laguna doonayo in Alshabaab looga saaro degmada Aadan Yabaal iyo degaanada Gobolk Sh/Hoose.

Ad

Waxaa hore degmada Cadalle u gaaray ciidamo ka tirsan Milateriga ee degaankaasi kasoo jeeda, saraakiil iyo xildhibaanno oo qeyb ka ah ololaha dagaal ee Sh/Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu tago magaalo xeebeedka Cadalle, halkaas oo uu fadhi ka dhigan doono, kana hagi doono dagaallada ka dhanka ah Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON