Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si degdega u saxiixay fulinta xukun toogasho ah oo saaka lagu fuliyay sarkaal ka mida ciidamada Milateriga oo lagu helay inuu dilay taliyihiisa (Halkan ka Akhriso).
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Dilkii toogashada ahaa ku fulisay Xiddigle C/Naasir Daa’uud Shiikh Hassan oo ka tirsanaa ciidamada Milateriga, kaasoo ka dhacay fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliska magaalada Muqdisho.
Askarigan ayaa lagu helay inuu hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii la soo dhaaftay ee September ee Sanadkan 2022.
Toogashadiisa ayaa ku dhacday si degdega iyadoo aanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare siinin mudaddii Rafcaan qaadashada ee Bisha ahayd, taasoo keentay inay su’aalo ka keenaan ehelkiisa.
Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu eedeyn jiray inuu ka gaabsaday saxiixa kiisaska toogashada ah, iyadoo Dil sugayaal badan ay xabsiyada ku jiraan.