Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tababar ugu so xiray dalka Uganda ciidamo ku dhow 3000 skari
“Waxaan rabaa halkan inaan uga mahad celiyo walaallaha Imaaraadka Carabta oo qeyb ka qaatay inaan maanta meeshaan oo istaahno, diyaarna la ah inay Soomaaliya garab istaagaan.. waa wax weyn oo dalal badan oo caalaamka jooga aanay noo qaban..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadayay ciidamada lau tabbatay Uganda.
Wuxuu Madaxweynaha intaas ku daray: “Imaaraadka Carabta iyo madaxweynahooda Allaha ka yaallee waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin..”. Ciidamadan ayaa la ka mida ciidamo dowladda Imaaraadka ay Kharashkooda bixinayso oo dalal kala duwan loogu tababarayo Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa ku wehliyay Madaxweynaha Soomaaliya xafladda lagu maamuusay xeritaanka tababarka milateri ee la siiyey ciidamada cusub ee Soomaaliya loo tababaray oo ka dhacay magaalada Butiaba, Uganda.