Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Khubad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Khudbadan oo hore loo sii duubay ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha uga hadlay xaaladda dalka iyo Dagaalka Alshabaab ee ka socda qaar ka mida Gobollada Dalka, kadib markii shalay ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka qabsadeen degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe.
Farriinta Madaxweynaha iyo Khudbaddiisa ayaa kusoo beegmeysa xilli uu doonayo inuu maanta dalka ka dhoofo, kuna sii jeedo dalalka Jabuuti iyo Mareykanka.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo xaalad amni oo culus ka jirto caasimadda, kadib weerarkii Hotel Villa Rays ay ku qaadeen Alshbaab 27-kii Bishii November, kaasoo weli baaritaankiisu socdo.