Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay si toos ah u dhaliilay waxqabadka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, isagoo sidoo kale shaaciyey dhibaatoyinka heysta ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Xasan Sheekh oo dalka Qatar kula hadlay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno tababar ku qaadanaya halkaasi oo ka mida Ciidamada Qalabka Sida ayuu sheegay in haddii ay ciidamada ATMIS ka sugi lahaayeen dagaalka Alshabaab aan waxba isbedeli lahayd.
“Haddii aan dhihi lahayn Ciidanka ATMIS hana raacaan marka aan dhaqaaqeyno, meesha aan maanta joogno lama gaari lahayn ATMIS waxay weli joogtaa xerooyinkii ay hore u joogta, tallaabana ma dhaqaaqin” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ay heysato saraakiil iyo hogaan la’aan, balse ay askar badan joogaan, meesha ugu darran ee ciidamada ka dhaqaaqi la’ yihiinna ay tahay saraakiishii hoggaamin lahayn Horin ilaa Guuto ama Gaas oo aad u yar.
Sarakiisha dalka Qatar ku sugan ayaa waxaa u socda tababar saraakiil iyo saraakiil xigeen, waxayna ka mid yihiin tiro saraakiil ah oo dowladda Soomaaliya ay tababarka ugu dirtay dalalka dibadda.
