Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay inay dhaqangal yihiin afarta cusub ee la ansixiyay Dastuurka Federaalka, isla markaana ay dalka ka dhici doonto oo kaliya ‘Doorasho Qof iyo Cod ah’.
Khudbadiisii Ciidul firtiga ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in laga soo gudbay geedi socodkii dhismaha dowladda Soomaaliya haddana uu dalku leeyahay hay’ado sharci ah sida Baarlamaamka, Dastuurka oo lagu qorey sida wax looga bedelayo iyo cidda wax ka beddalaysa, horena loo socon doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyey inuu xukunka ku wareejin karo oo kaliya Doorasho Qof iyo Cod ah, dalkana aysan ka dhici Doonin doorasho kale sida uu qabo dastuurka federaalka.
“Afarta cutub ee dastuurka la ansixiyey dabar adag ayey naga fureen. Yaan la is wareerinin dalkaan doorasho qof iyo cod waxaan aheyn kama dhici doonto. Anigoo Xasan Sheekh ah ayaa ballan qaaday dadku ha diyaar garoobaan. Qofkii ay ku qanacsan tihiin doorta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.