Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in meelaha ay Alshabaab ku harsan yihiin ay tahay degaanada aysan dadkoodii weli kicin.
Isagoo ka hadlayey degmada Aadan Yabaal ee Gobolka SH/Dhexe ayuu madaxweynaha sheegay in meelaha uu Alshabaab joogo uu ku joogo sababta dadka degaanka oo cajsi ka yimid, isgoo tusaale u soo qaatay dadka degaanka Daaru-Nicma ee dhowaan iska difaacay weerarkii Alshabaab.
“Meelaha Alshabaab ku harsan yihiin waa meelaha dadkoodi kici waayey.., Hal Khawaarij ma joogo meeshii dadkiisu istaageen, rajana kama qabaan inay ku noqdaan xitaa.. Waa la eryi karaa Alshabaab, waana fulay..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Farriiinta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku socotay beelaha dega degaanda ee ka harsan Hirshabeelle iyo Galmudug oo weli degaanadooda ay weli Alshabaab ku sugan tahay.