Monday, February 17, 2025

Xasan Sheekh oo Saldhigga Turksom tababar ugu soo xiray saraakiishii ugu badneyd (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada Gorgor ee milateriga Soomaaliya oo lagu tababaray saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Saraakiishan oo ah dufcadii 4-aad ee Layli Sarkaal iyo tii 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom ayaa maanta xaflad loogu qabtay saldhigga Turksom, iyadoo Madaxweynaha u mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-ki.

“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ad

Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ugu sheegay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka qaraxyada ee ka soo horjeeda dowladnimada.

Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON