Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale safar uga baxay dalka xilli uu shalay kasoo laabtay socdaalkii uu ku tegay dalka Tanzania.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku wajahan dalka Masar, iyadoo wararku sheegayaan inuu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaasi C/fatah Al-sisi, waxayna labada hoggaamiye ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.
“Madaxweynaha oo qaar ka mida dalalka xiriirka soo jireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka” aya lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Safarka maanta ee Xasan Sheekh ku aadayo dalka Masar ayaa noqonaya kii toddobaad ee uu dalka uga baxo intii dib loo doortay 16 May 2022, waxaana uu yimid, isagoo aan weli tegin dalka Itoobiya oo siyaasad ahaan ay is hayaan Itoobiya.
Xasan Sheekh ayaa socdaallo is daba joog ah ku tegay dalalka; Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti iyo Masar oo uu maanta u tegayo, lana filayo inuu ku qaato dhowr maalmood.
Safarrada is daba joogga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jiitay cambaareyn ka socota baraha bulshada oo markan ay ku soo biireen qaar ka mida taageerayaashiisii, iyadoo dib u dhac ku yimid dhismaha xukuumadda ayaa loo arkaa in socdaallada Madaxweynaha ay caqbad ku noqodeen waxqabadkii iyo shaqadii laga sugayey dowadda Federaalka Soomaaliya.

