Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wadahadalka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ku yeesheen dalka Turkiga, isagoo rajo xumo ka muujiyay damaca Itoobiya.
Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulan lagu soo gunaanaday xuska 1-da Luulyo ayaa qirtay in dowladda Turkiga ay ku cadaadisay inay wadahadal la galaan Itoobiya, balse wahadalka aanu ahayn mid toos ah.
Wuxuu intaas ku daray in labada wafdi ee Somaliya iyo Itoobiya aysan kulmin ee ay u kala dab qaadeysay dowladda Turkiga, wuxuuna rajo xumo ka muujiyey damaca Dowladda Itoobiya oo uu sheegay inay ku taagan tahay rabitaankeeda inay qaadato Bad iyo Dhul Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale markii ugu horeysay kashifay wadahadal qarsoodi ahaa oo guddiyo ka socda dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya uga socday dalka Kenya, balse wuxuu sheegay in iyadoo Itoobiya jawaab laga sugayo ay u wareegtay Turkiga, kana codsatay inuu dhexdhexaadiyo iyaga iyo Soomaaliya.
“Waxaa jirtay inay Itoobiya ka codsatay dowladda Turkiga inay dhexdhexaadiso Soomaaliya, iyadoo wadahadal guddiyo hoose ka socdeen Nairobi. Turkiga waa nasoo waceen, anagana weligeen ma diidin wadahadal. Waxay dhaheen Wasiirka Arrimaha dibadda iyo guddi ha naloo soo diro, waana u dirnay… Wadahadalka caawa ayuu soo gabagaboobay, waxaana la isugu soo noqonayaa bosha September wax lagu heshiiyay ma jiraan, labada wafdina isla hor fariisan..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay fursad u sameysay Alshabaab si ay u qortaan dhalinyarro cusub, ilaa haddana ay Itoobiya ku socoto wado khaldan, isla markaana ay doonayaan inay qaataan qaar ka mida dhulka Soomaalida.