Saturday, January 25, 2025

Xasan Sheekh oo ogolaaday Heshiiskii Shidaalka ee Somaliya Shirkadda Coastline Exploration

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taageeray soona dhoweeyay Heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, oo hore muran uga taagnaa.

Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen madaxda Shirkadda heshiisla lala galay, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Garyaqaanka Guud kadib ayaa qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha lagu sheegaya inuu Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka.

Wasiirka Batroolka oo heshiiska cusub horkacaya ayaa dib u habeynta heshiiskan la kaashaday Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada, waxaamna madaxtooyada ay sheegtay in lagu guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ad

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno calami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero calami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Munaasabadda toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo lasoo bandhigay oo k usaaban qodobadda wax laga bedelay, sida Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration u qeybsadeen saamiga iyo, lacagta hordhaca ah ee ay heleyso dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON