Tuesday, February 18, 2025

Xasan Sheekh oo mar kale Guddoomiyaha G/Banaadir u magacaabay Mas’uul ka tirsan Xisbigiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto uu xilka Guddoomiyaha G/Banaadir mar kale ugu magacaabay mas’uul ka tirsan xisbigiisa oo uu hore isla xilkan ugu magacaabay sanadkii 2015.

Xasan Sheekh oo tixraacaya soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho, sida lagu sheegay wareegtada madaxtooyada.

Magacaabiddan ayaa sabab looga dhigay aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, waxayse wararku sheegeen in magacabistiisa ay ka danbeeyeen xubnaha xisbiga UPD e Madaxweynaha.

Ad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.

Waa markii labaad ee Yuusuf Boorsaani xilkan qabto isagoo hore u soo hayey intii u dhaxeysay Novembar 2015 ilaa uu xilka ka tegay Xasan Sheekh April 2017, wuxuuna hadda xilka kala wareegayaa Cumar Filish oo muddo 3 sano xilkaasi soo hayey.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON