Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad socdaal shaqo ku jooga dalka Eritrea ayaa kormeeray xarumaha lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya sida dhulka, badda iyo cirka.
Waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh kormeerkiisa ku wehliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Eritrea, sida uu baahiyay wasiirka warfaafinta dalkaas, Yemane G. Meskel.
Wasiirka oo soo xigtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu uu dowladda Eitrea uga mahadceliyey sida walaalnimo ah oo ay uga qayb qaadatay nabadda Soomaaliya.
Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah oo an tiradooda la sheegin u tababareysa Dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidamo cusub ay tababar ugu dirtay dowladda Xasan Sheekh, iyadoo weli ku sugan yihiin qaar ka mida ciidamadii hore.