Sunday, December 8, 2024

Xasan Sheekh oo Khudbad jeedin dedega ka dalbaday Baarlamaanka iyo Qodob culus oo..

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar kale Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday inuu hor yimaado xildhibaannada, una jeediyo khudbad.

Kulanka oo la muddeeyay maalinta berri ayaa xildhibaananda iyo Senatoorda labada Aqal lagu ogeysiiyay jiritaanka hadal jeedinta madaxweynaha ee Baarlamaanka labada Aqal.

Farriin ay xogheynta Baarlamaanka u direen Xildhibaannada labada Aqal ayaa lagu ogeysiiyay berri oo Arbaco ah oo taariikhdu tahay 21 Febraayo 2024 uu jiro kulan wadajir aan caadi aheyn oo Madaxweynuhu kula hadlayo labada Aqal.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Baarlamaanka uga warbixin doono heshiis milateri oo dowladda Somaliya la gashay Turkiga, kaasoo ku saabsan in0 Ciidamada Badda Turkiga difaaci doonaan Badda Soomaaliya iyo xiisada Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dood adag ka taagan tahay dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo doodiisa ka bilaabatay labada Aqal, waana markii labaad ee Madaxweynuhu uu labada Aqal ka dalbanayo inuu u jeediyo.

Maalin kadib markii uu soo baxay heshiisya Ra’iisal wasaaraha Itoobiya la saxiixday Muuse Biixi 2-dii Janaayo 2024 ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh khudbad u jeediyay Labada Gole.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON