Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dacwadda xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku eedeeyay dowladda Somalia inay qeyb ka tahay dib u dhigista markii saddexaad dacwadaasi ee marmarsiiyaha looga dhigay cudurka Coronavirus.
“4 sano meeshii aan uga tagnay ayey taagan tahay dacwadda Badda.. Dowladeena mar kasta waxay sheegtaa inay diidan tahay dib u dhigista, laakiin dadka uma sheegto waxa ay qabatay.. warka dowladda sax maaha… haddii uu sax yahay waxay dowladda sheegi lahayd dadaalka ay u gashay dacwadda Badda.” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Wuxuu caddeeyay in Maxkamadda ICJ aysan tixgelin hal dhinac marka go’aan laga gaarayo dib u dhigis dacwad dhex taalla laba dal ee ay dhageysato labada dhinac, wuxuuna yiri: “Shalay haddii laga aqbalay Kenya inay eriday Qareenadii… oo mar kale dib loo dhigay.. ma ahayn Corona in dib loogu dhigo.. waa marmarsiiyo yar oo dowladeena qeyb ka tahay, haddii aysan qeyb ka ahayn waxay dadka u sheegi lahayd sida ay wax u jiraan..” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa mas’uulkii dacwadda Badda geeyay Maxkamadda ICJ ayaa su’aal ka keenay in saddexdii xubnood ee Soomaaliya uga mas’uulka ahaa Dacwadda Badda meesha laga saaray, kuwaasoo kala ah: Qareen Muna Sharmaan, Xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir iyo Danjire Cali Fiqi safiirkii hore ee Brussles oo dhammaantood meesha ka baxay, iyadoo aan la sheegin cidda lagu bedelay.
Wuxuu sheegay in Kiiska Dacwadda Badda uu yahay mas’uuliyad saaran madaxweynaha Soomaaliya, laakiin marmar uu maqlo inuu ka hadlo Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka, taasoo uu ku sheegay in hoos loo dhigay maqaamkii iyo muhiimadii ay lahayd Dacwaddaasi.
