Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda dowlada Masar Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar.
Safarka Madaxweynaha oo ahaa kii 7-ad ee uu dibadda ugu dhoofo ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd iyo madax kale.



