Saturday, October 12, 2024

Xasan Sheekh oo Golaha Wasiirada u jiheeyay Dagaalka Alshabaab iyo 2 Qodob oo uu ka hadlay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada xukuumadda, iyadoo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab, waxaana ka hadlay Madaxweynaha oo sheegay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay heystaanAlshabaab.

Wuxuu Madaxweynaha faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Wasiirada kala hadlay laba Qodob oo kal ah: Inay mudnaanta koowaad siiyaan la-dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo in Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Wuxuu Caddeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanida dalkeenna.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON