Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iy Taliyaha ciidmaada Mareykanka AFricon ee Soomaaliya Korneyl David J.Haskell.
Kulanka oo lagu beegay markii uu Madaxweynaha kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu ku saabsanaa taageerada Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweyanaha ayaa waxaa kulanka ay kala qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliyeed, waxayna saraakiisha Mareykanka kala hadleen xaaladda dagaalka Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay siiyaan dowladda Federaalk iyo qeyb ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.
Kulamada saraakiisha Mareykanka iyo madaxda dowladda Federaalka ayaa inta badan ka dhaca Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taasoo ay sabab u tahay in safiirka iyo saraakiisha Mareykanka aan loo ogoleyn inay dhaafaan xeyndaabka garoonka ee Xalane arrimo Amni dartood.