Thursday, November 7, 2024

Xasan Sheekh oo Garoonka Aden Cadde kula kulmay Mas’uul tirsan Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Brian Nelson oo ah Xoghaye ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee dhinaca argagixisada iyo ka-hortagga maalgelintooda.

Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha uu kulanka ku soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya “ay ku wiiqday” dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay “in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu, ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada. Waxay sidoo kale isla soo qaadeen doorka ay Mareykanka ka qaadanayaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Brian Nelson ayaa sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON