Friday, October 11, 2024

Xasan Sheekh oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo faahfaahisay ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal kale maanta kku tegay dalka Eritrea, iyadoo tahay markii shanaad ee inta dib loo doortay oo dalkaasi uu tegayo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay safarka madaxweynaha, iyadoo sheegtay inuu yahay socdaal shaqo, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Soomaaliya, waxayna Wasaaradda warfaafinta Eritrea faahfaahin ka bixisay safarka labad maalmood ee madaxweynaha Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in labada madaxweyne ee Somalia iyo Etirea ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo aad u xumaaday xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadin heshiis is-afagaradka ee Itoobiya la gashay Madaxweynaha Somailand oo lagu siiyay marin-badeed 20 km iyo Saldhig ciidan.

Ad

Sidoo kale xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa isna xumaa tan iyo intii Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu bilaabay inuu raadiyo dekado uu ka helo Badda Cas.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON