Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dardar geliyay dadaalka uu ugu jiro hirgelinta Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Wax ka bedelka Dastuurka.
Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre kulamo kala duwan la yeeshay Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, isgoo kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG.
Madaxweynaha ayaa u sheegay Guddiyada in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.
Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay labada Guddi dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran.